Ugu damabyn waxa maanta si toos ah u furmay codsiyada midkamida deeqda waxbarasho ee ugu wanaagsan uguna caansan “Chevening Scholarship UK”.
Tirro dhan 𝟭,𝟴𝟬𝟬 ayaa si sanadle ah loo qaataa ama kuguulaysta deeqdan waxbarasho, kuwaasi oo kasoo tartama inkabadan +150 waddan oo ay kamid yihiin Somalia 🇸🇴, Ethiopia 🇪🇹, Kenya 🇰🇪 iyo Djabouti 🇩🇯. Deeqdan waxbarasho oo runtii ah mid tartan adag ayaa wacaa heerka labaad ee waraysiga [interview]u gudba qiyaastii 5,000 qof, waxaana ugu dambayn la xushaa 1,800 qof.
Guulaystayaashu waxay fursad u helidoonaan deeq waxbarasho oo heerka labaad ee Masterta ah [Master Degree Program] waxayna hayaan waxbarasho oo aqoon-xirfad kudheehan tahay ka bilaabi doonaan mid ka mid ah jaamacadaha caalamka kuwooda ugu fiican ee ku-yaal Boqortooyada Biritan(United Kingdom Britain)
FG❗️:——
—Dirsashada codsiga koowaad passportku muhiim maaha.
—Ujeedka deedqan kaliya ma’aha sida arday baranaya waxbarasho ee waxa loodiyaariyaa sidii hogaamiye mustaqbal oo aragti fog leh.
—Haddii aad heerka Master’ta horey u diyaarisay, markale waad codsan kartaa[blse waa inaad cadaysaa sbbta aad mrkale Master u baranaysid].
—Qoraaladadu waa in ay noqdaan kuwo heersarre ah [Inaad ka soo xigato internetku waxa ay sababikartaa in codsigaagu diidmo lakulmo].
—Guulaystayaasha u dambeeya waxa shardi ku noqon-doona inay imtixaanka luuqada ee IELTS ka ufadhiistaan isla markana layimaadaan shahaadada cadaynta IELTS.
SHURUUDA LAGAA RABBO[Eligibility Criteria]:
—Waa inaad kamid tahay wadamada loo ogol yahay ee codsankarro deeqdan sida: Somalia 🇸🇴, Ethiopia 🇪🇹, Kenya 🇰🇪 iyo Djabouti 🇩🇯. IWM
—Shahaadada heerka koowaad ee (Bachelor degree plus transcript).
—Waa in aad leedahay ama haysataa ugu yaraan 2,800 saacadood oo waayo aragnimo shaqo ah (una dhiganta 2 sano khibrad ah).
—Diyaarso jawaabahaaga ku aadan afartan(4) su’aalood ee kala ah:
- faahfaahinta aragtidaada hogaamineed iyo saamaynteeda togan, adiga oo tusaalaynaya dhibaatooyin aragtidadu soomartay iyo kartidada hogaamineed qaabkay uxalisay (Leadership and Influencing Skills ).
- Hoggo-tusaalee sida u samaysatid saaxiibo, ugana faaiidaysatid sidii aad ugu horumarisid noloshaada, aqoontaada iyo shaqadaada [Networking skills].
- Waxa aad xaq-uleedahay doorshada 3 jaamacadood oo ku yaala jaamacadaha wadanka Biritan iyo doorashada mid walba kuliyada aad rabtid inaad ka dhigato! Sbbta aad ku dooratay iyo sida ay ula xidhiidho waayo aragnimadaadi hore, shahaadadii hore iyo hanka aad nolosha ka leedahay.
- Qorshahaaga wxbrashada master-ta ka dib marka aad ku soo laabatid wadankaaga, sida aad ugu anfaci doontid naftaada iyo wadankaagaba [Career plan].
FAA’IIDADA BARNAMIJKAN [Financial/Program Benefits].
—Guud ahaan waxa lagaa dabaraya qarashka waxbarashada, deegaanka, cunnada, caymiska caafimaadka, safarka iyo waliba lacag guno ah oo sijoogta ah laguu-siinayo bilkaste.
—Aqoon kuhabaysan hogaamiye mustaqbal fogleh.
—Kamid noqoshada bahda qalinjabiyayasha ee Chevening Alumni.
MUDADA CODSIGA[Deadline of Application]
—November 5, 2024.
HALKAN KACODSO : chevening.org/apply
###
W/Q : Abdiwasa Shabelle
Abdiwasa.1@gmail.com
Jigjiga, Itoobiya
August, 2024
Lawadaag saaxiibo badan
0 Comments