Header Ads Widget

Waa maxay shahaado luuqadeedka loogu raadsigga badan yahay ee IELTS ?



——IELTS waa imtixaan luuqadeed heer caalami ah kaasi oo lagu tijaabiyo heerka akhriska, kuhadalka, dhagaysiga(fahamka) iyo qoraalka luuqada ingiriisiga waxaana looyaqaan International English Language Testing System (IELTS). 

——IELTS, waa mid kamida shahaado luuqadeedka kuwoodu ugu caalamisan ee kajirra dunida duruusta ama maadigga kubixisa luuqada ingiriisiga, waxaana laga aqoonsan yahay inkabadan +10,000 jaamacadood, shirkadood iyo hay’adod kuwaasi oo ku kalayaal inkabadan +140 wadan. 

——IELTS, TOEFL, DUOLINGO, CEE, TOEIC iyo qaar kaloo badan waxay dhamaantood kamid yihiin kuwooda laga aqoonsanyahay dunida maanta ee darruusta ama maadigga kubixisa luuqada ingiriisiga. Kuwaasi oo shardi kagga dhigga ardayda aan luuqada ingiriisiga udhalan ama ardayda ajaanibta ah ee soocodsada jaamacadahooga si ay wax ugasoo bartaan ama u helaan deeqaha waxbarasho ee ay bixiyaan.

——Horaantii 1989 ayey Jaamacada Cambridge ESOL, British Council oo ah mac’had dawli ah oo qayb ka ah horumarinta luuqada ingiriisiga iyo IDP Education Australia kudhawaaqeen in la aas-aaso imtixaan luuqadeedkan IELTS kaasi oo shardi shuruudeed kunoqday dadka aan u dhalan luuqada ingiriisiga ama rabba inay udiggo-rogtaan wadamada kuhadla luuqada ingiriisiga sida ardayda ajaanibta ah iyo shaqadoonka kala duwan(admission, employment or immigration purposes).

——Sanado isxig-xigay kadib waxa ugu-dambayn lagu guulaystay in 2dan qaabba lagu helikarro : qaab koombiyutar ah (Computer-based IELTS-CB IELTS ) iyo qaab toos ah oo aad jawaabahaaga waraaq kudiyaarinaysid (Paper-Based IELTS-PB IELTS). 

taasi oo kadhigtay mid  laga helikarro ama daalacan karro caalamka intiisa kale, kana dhigtay in aad sifudud uga helikarrto dalkaaga gaar ahaan meelaha loo asteeyey in lagu marikarro lagana helikarro imtixaan luuqadeedkan IELTS waxaana goobahaas kamida marka aad joogto itoobiya gaar ahaan dawlad deegaanka soomalida iyo guud ahaanba gayiga soomaalida, waxaad ka heli kartaa oo aad imtixaankaaga kuqaadan kartaa gudaha “JAAMACADA JIGJIGA”[Exam Center].

——Si guud imtixaanka IELTS waxa uu ka kooban yahay labo imtixaan nooceed ama qaybood oo kala ah mid:—

IELTS Academic Exam: nooca imtixaankan ayaa inta badan shardi lagaga dhiggaa daneeyayaasha raba inay bartaan heerarka waxbarsahada sarre sida undergraduate ka iyo postgraduate ka iyo wixii la halmaala ee waxbarsahada sarre ah. Wuxuuna nooca imtixaankani ka kooban yahay heerarka akhriska, kuhadalka, dhagaysiga(fahamka) iyo qoraalka luuqada ingiriisiga.

IELTS General Training Exam: nooca imtixaankan ayaa inta badan shardi lagaga dhigaa daneeyayaasha raba inay u diggo-rogtaan sida inay shaqo u tagayaan, barashada noocyada xirfadaha, tababarada, waxbarashada dugsiyada sarre iyo wixii la hal-maala. Si lamid ah nooca imtixaankani wuxuu ka kooban yahay tijaabada heerka akhriska, kuhadalka, dhagaysiga(fahamka) iyo qoraalka luuqada ingiriisiga.

——Natiijada imtixaankan IELTS ayaa inta badan buundooyin kala duwan leh (Band scores), taasi oo ku xidhan hadba inta uu qofku diyaargarow sameeyo. Buundada imtixaankan laga qabtaa ayaa u dhaxaysa 0-9, taasi oo udhigmaysa iskoorka ugu hoseeya waa “0”, silamid ah iskoorka ugu sareeyana waa “9” iyadoo taas laga duulayo haddana jaamacad kasta iyo hay’adaha caalamiga ah ee dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba waxay midkastaa leedahay iskeel (scale) cayiman oo u gaar ah, balse iskeelka (scale) ka 6.0-6.5 iyo wixii kasareeya ayaa ah midka inta badan ay ka siman yihiin ama aqbalaan jaamacadaha ama institutionska ugu badan. Afarta qaybood ee imtixaanku kakooban yahay midkastaa natiijada kasoo baxdaa ayaa noqon doonta wadarta guud ee natiijada aad ka heshay imtixaankaaga IELTS.

——Natiijo guul ah kadib waxa iyadana shardi ah in labadii sannaba (every 2years) halmar aad cusboonaysiiso, silamid ahna aad dib umarto tijaabada imtixaanka taasi oo xaqiijin doonta haddana natiijada aad hesho.

——Faaiidooyinka uu koobsaday haysashada shahaadada imtixaan luuqadeedkan ayaa ah runtii mid sarreysa marka aad tahay daneeyayaasha jecel :-

-Helida fursadaha deeqaha waxbarasho[Educational Opportunities].

-Helida fursadaha shaqo ee hay’adaha caalamiga qaarkood sida: kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee inta badan shardi tahay inaad haysato shahaado luuqadeedka IELTS[Employment Prospects].

-Socdaalada la tacluqa udiggo-rogoshada sharciga ah ee wadamada qaar oo noqonaysa mid sahlan marka aad haysato shahaadadan[Legal Immigration issue].

-Wuxuu kor uqaadayaa qiimaha CV gaaga[Personal and Professional Growth].

-Aqoontaada luuqada ingiriisiga oo noqota mid dhisan ama dhisannto[Language Skills Development].

-IWM.

Si aad u hesho faah-faahin dheeri ah fadlan halkan kagga boggo: 

https://ethiopia.britishcouncil.org/exam/ielts/which-test?

https://en.wikipedia.org/wiki/International_English_Language_Testing_System


W/Q: Abdiwasa Shabelle

Abdiwasac.1@gmail.com

July 14, 2024. Jigjiga, Itoobiya.

FursadahaDhalinyarada.com





Post a Comment

0 Comments