Jaamacada Skoltech waa midkamaida jaamacadaha ugu caansan wadankaasi Ruushka waxayna si sanadle ah u bixisaa deeq waxbarasho oo ay ugu tallo-gashay ardayda caalamka[ajaanibta ah] iyo kuwa kusugan gudaha waddanka.
Deeqdan ayaa ah mid kamida deeqaha ugu wanaagsan ee ay bixiso dawlada wadankani, deeqdan waxbarasho uma baahna shahaado luuqadeedka ingiriisiga ee IELTS, GRE, or SAT, iyo sidoo kale lagaagama baahna lacagta isdiwanginta [application fee] si aad codsigaga udirsato. Si lamid ah casharadda jaamacadani waxay ku bixidoonan luuqada ingiriisiga [The language of instruction is English].
Deeqdan waxbarasho ee ay bixinayso jaamacadan Skoltech ayaa waxay ka kooban tahay darajooyinka waxbarashada(degree level) ee kala ah Darajada 2aad ee looyaqaan Master’ska iyo Darajada 3xaad ee looyaqaan PhD programs [MSc, PhD].
Deeqdan waxbarasho ee ay bixinayso jaamacada Skoltech ayey u qoondaysay arday tirro ahaan dhan 420 arday inay ka faaiidaystaan kuwaasi oo isugu jirridoona Darajada Master’s iyo Darajada PhD-da.
Faa’iidada ay deeqdan waxbarasho koobsatay[Financial Benefits]:
Deeqdan waxbarasho ee ay bixinayso jaamacada Skoltech [The Skoltech University Scholarship], waxay guud ahaan kaa-kafaallo qaadaysaa qarashaadka kala ah:
— Lacagta waxbarashada [Tuition fee].
— Qarashka Caymiska caafimaadkaaga [Medical Insurance].
— Helida lacagta gunnada ee bilaha ah [Monthly Stipend].
—Qarashka deegaanka, cunnada [living expenses, accommodation].
—Qarashka safarkaaga ee diyaarada [Free Airfare Ticket].
Noocyada takhasuska gaar ahaan ardayda codsanaysa Darajada Master’s ka[Study Fields for Master Degree Programs]:
—Mathematics and Computer Science, Petroleum Engineering, Applied Mathematics and Physics, Biotechnology, Information Systems and Technologies, Electricity and Electrical Engineering, Materials Science and Engineering, Information Technology and Engineering.
Noocyada takhasuska gaar ahaan ardayda codsanaysa Darajada PhD da[Study Fields for PhD Degree Programs]:
—AgroBiotechnologies and Engineering, Mathematics and Mechanics, Physics, Materials Science and Engineering, Life Sciences, Computational and Data Science and Engineering, Engineering Systems, Petroleum Engineering
Shuruuda Ardayga laga rabo[Eligibility Criteria]:
— Deeqdan waxbrasho waxay u furantahay dhamaan ardayda caalamka waxaana ardaydaas kamida kuwa kasoo jeeda qaarada Afrika sida wadamada Somalia, Ethiopia, Kenya, Djabouti iwm.
—Ardayga codsanaya darajada Master’ta waa in uu haystaa cadaynta shahaadada darajada 1aad ee looyaqaan [Bachelor degree] ama wax u dhigma, waana in u ka haystaa jaamacad la aqoonsan yahay [from a recognized university].
—Silamid ah Ardayga codsanaya darajada PhD da waa in uu haystaa cadaynta shahaadada darajada 2aad ee looyaqaan [Master’s degree], waana in u ka haystaa jaamacad la aqoonsan yahay [from a recognized university].
—Ardayda sanad jaamacadeedkoogii u dambeyey kujirra waa codsan karraan deeqdan waxbarasho[Final-year undergraduate]❗️
—Ardayga horey u qaatay waxbarashada Master’ka markale waa barran karraa mid labaad❗️
—Deeqdan waxbarasho shardi ma’aha inaad haysato shahaado luuqadeedka ingiriisiga ee looyaqaan TOEFL ama IELTS.
—Sidokale inaad buundo fiican haysato shardi ma’aha. IWM
Dhokomentiyadda laga rabbo codsadaha [Required Documents]:
—Inaad buuxisid foomka codsiga toos ka ah[Online Application].
—Waraaq ay ku caddahay daneynta, xiisaha aad u qabto deeqdan waxbarasho iyo sida aad u tahay qofkii ku haboonaa[Personal statement/Motivation letter].
—CV ama Resume kaaga
—Labo waraaq oo aad kasoo qoratid Macalinkagii ama bah-wadaagtaada shaqadu blse waxay noqon kartaa mid shakhsi ah[Two letters of recommendation].
—Shahaadooyinkaagii Bachelor ama Master’ka [Diploma or current transcript].
Mudada codsiga[Deadline of Application]:
—July 15th 2024 for MSc.
—July 15th, 2024 for PhD.
Lifaaqa codsiga[How to Apply]:
—Lifaaqan ka codso Master’ska [For MSc Programs]: Skoltech | Apply for MSc Programs
—Lifaaqan ka codso PhD da[For PhD Programs]: Skoltech | Apply for PhD Program
Xoggo dheeraad ah[More details]:
—Halkan kaga boggo suaalo iyo jwbo ku saabsan deeqdan waxbarasho: FAQs
W/Q: Cabdiwasac Shabeele
Email: Abdiwasac.1@gmail.com
July, 2024
www.FursadahaDhalinyarada.com
0 Comments